Navigation

Inhaltsbereich

Maxay yihiin lambarada deg dega ah ee Iswiiska, halkaas oo aad ka heli karto caawimaad xaga rabshadaha nafsiyeed, jir ahaaneed ama galmo ahaaneed. adeegyada kale ee la talinta ee laga heli karo Graubünden waxaad ka heli doontaa macluumaad ku haboon bogan.

Maxay yihiin lambarada gurmadka ee Iswiiska?

Lambarada xaaladaha degdegaa ee Swiiserland waxaa lagala xidhiidhi karaa 24 Saacadood

  • Booliiska: 117
  • Waaxda dabdamiska (dabka, biyaha, gaasta): 118
  • Dhooliga: 144
  • Lambarka xaaladaha degdegaa (booliiska, waaxda dabdamiska, dhooliga): 112
  • Kooda badbaada cirka Swiss (REGA; helikobtarta badbadada): 1414
  • Sumowga (xarunta macluumaadka sunta): 145
  • Caawimaada Telefoonka carruurta iyo dhalinyarada: 147

Halkeen ka heli karaa guud ahaan adeegyada la talinta ee Graubünden?

Adeegyo badan oo takhasus leh iyo la talin ayaa ku qoran qaybta cinwaanka ee buug -yaraha soo -dhoweynta ee gobolka. Haddii aadan heli karin dalab ku haboon codsigaaga, Xarunta Macluumaadka Is dhexgalka, Grabenstrasse 1, 7001 Chur, ayaa ku farxi doonta inay ku caawiyaan. Nagala soo xiriir 081 257 36 83 ama iimayl info@integration.gr.ch.

Tusaha intarneedka “find-help GR” waxaad ka heli doontaa talo iyo taageero dhinacyada caafimaadka iyo arimaha bulshada. Adigoo galaya erey -fure iyo meesha aad degan tahay, ayaa waxaa lasoo bandhigayaa dalabyada aagaaga.

Waxaan ahay dhibane nafsaani ah, jir ahaan ama xadgudub galmoodey. Halkee baan ka heli karaa caawimaad?

Dhamaan dadka jidh ahaan, maskax ahaan ama galmo ahaan wax u dhimay dembi ka dhacay Iswiiska ama haystey, waxay xaq u leeyihiin taageero iyo caawimaad. Websaytka opferhilfe-schweiz.ch ayaa sharaxaayo, waxa uu yahay, Gargaarka dhibanuhu, cida loo jiheeyo iyo meesha ay dhibkaas gargaar ka heli lahaayeen. Macluumaad khuseeya waxaa lagu heli karaa 15 luqadoodsha.

Xarunta talada Opferhilfe Graubünden (Gargaarka Dhibaneyaasha Graubünden) ayaa la taliya oo taageera Haweenka, raga, caruurta iyo dhalinyarada ay rabshaduhu saameeyeen. Talada waa bilaash, waa aaminaad iyo haduu doonayo qarsoodi. Opferhilfe Graubünden waxaa lagala xiriiri karaa Taleefoonka 081 257 31 50 ama iimayl opferhilfe@soa.gr.ch.

Xaalada degdega ah, wac booliiska – wac Taleefanka 117!

Waa maxay Guriga Haweenka ee Graubünden (Frauenhaus Graubünden)?

Frauenhaus Graubünden (Guriga haweenka Graubünden) wuxuu siiyaa Haweenka, caruurtooda iyo gabdhaha qaangaarka ah ee ay saameeyeen ilaalinta rabshada qoyska, daryeel iyo talo. Waxay u furan tahay haweenka jinsiyadaha oo dhan waxaana laga heli karaa habeen iyo maalin taleefanka 081 252 38 02 ama iimayl info@frauenhaus-graubuenden.ch.