Navigation

Inhaltsbereich

Meesha aad u leexan karto hadii aad qabto su'aalo ku saabsan isu keenista qoyska, yaa kaa caawin kara inaad hesho qaraabo kaa maqan, meesha aad ka heli karto taageero iyo talo hadii inaad guursato lagu qasbo-Jawaabahoodaas iyo su'aalo kaleba waxaad ka heli doontaa bogaan.

Waxaan qabaa su'aalo ku saabsan isu keenista qoyska. Yaan weydiin karaa?

Xeerarka sharciga ee ku saabsan xaquuqda isu keenista qoyska ee qaxootiga ku nool Iswiiska waa kuwo adag. Asal ahaan Ansaxa la aqoonsan yahay, (ogolaanshaha B) qaxootiga la aqoonsan yahay, (ogolaanshaha F) qaxootiga si ku meel gaarka ah loo ogolaadey iyo (ogolaanshaha F) dadka ku meelgaarka ah ee loo ogolaaday, waxey leeyihiin shuruudo iyo xeerarka kala duwan.

Bündner Beratungsstelle für Asylsuchende (Xarunta la talinta Graubünden ee magangalyo doonka) waxay bixisaa taageero iyo talo, su'aalaha ku saabsan mideynta qoyska. Hadba waxay ku xiran tahay aqoonsigaaga magangalyo waxaana lagu dalbayaa lacag.

Boga internetka ee Schweizerischen Flüchtlingshilfe (Kaalmada Qaxootiga Iswiss) waxaad ka heli doontaa guud ahaan aqoonsiyada la xiriira magangelyo doonka iyo xuquuqaha ugu muhiimsan sida isu keenida qoyska, bedelashada gobolka, shaqada, daryeelka bulshada ama u safrida dibada

Fiidiyowga sharaxaya "Midaynta qoyska ee Iswisska" Schweizerischen Roten Kreuzes (Laanqayrta Cas ee Iswisska) waxaad ku ogaan kartaa cida xaq u leh isu keenida qoyska ama mudada sugitaanka ee jira. Fiidiyowga sharaxaada leh ayaa lagu heli karaa Carabi, Daari / Farsi, Ingiriis, Tamil, Tigrinya iyo Turk.

Waxaan tabayaa qof ii dhow? Waa kuwee meesha iga caawin karta baaritaankayga?

Dhammaan dadka ku nool Iswiiska, ee ka maqan xubin qoyska ah ama qof iyaga u dhow, waxay la xiriiri karaan adeega baafinta ee Schweizerischen Roten Kreuzes (Laanqeyrta Cas ee Iswiiska). Ayaga ayaa kula talin doonaa oo si joogto ah kuugu soo wargelin doonaan heerka baaritaanka. Adeega baafinta waxaa lagala xiriiri karaa Taleefoonka 058 400 43 80 ama iimayl tracing@redcross.ch

Boga Internetka familylinks.icrc.org ee Internationalen Komitees vom Roten Kreuz (Gudiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas) Ayaa dadka kaa dhumay sidoo kale onleenka laga baari karaa Waxaadna ka raadin kartaa xubnaha qoyskaaga marka ay jirto xaalad musiibo oo ba'an ka fiiri liisaska magacyada dadka maqan, fiiri sawirrada dadka ku nool Yurub ee raadinaya ehelkooda ama sawirkaaga ayaa la daabici karaa haddii aad Yurub ka raadineyso qof . Websaytka waxaa lagu heli karaa Carabi, Ingiriis, Faransiis iyo Isbaanish.

Qoyskayga ama cid kale ma igu khasbi karaan inaan guursado?

Iswiiska dhexdiisa waxaad xaq u leedahay inaad si xor ah u xulato lamaanahaaga. Sidaas darteed qoysaska iyo dadka kale xaq uma laha. Ku qasbidda haweenka ama raga inay guursadaan iyagoon raalli ka ahayn. Waxaad la xiriiri kartaa xafiisyada soo socda Wixii Talo iyo taageero ah.

Fachstelle Zwangsheirat (Qaybta guurka qasabka)

0800 800 007 (Khadtelefoon Lacag la‘aan)
info@zwangsheirat.ch
www.zwangsheirat.ch

Opferhilfe Graubünden (Xarunta Talada Dhibanaha ee)

081 257 31 50
opferhilfe@soa.gr.ch
www.soa.gr.ch

Macluumaadkaaga waxaa loola dhaqmi doonaa si qarsoodi ah. Taladu waa lacag la'aan.