Navigation

Inhaltsbereich

Meesha aad ka heli karto macluumaad ku saabsan nidaamka caafimaadka ee Iswiiska, sida caymiska caafimaadka looga nidaaminayo Iswiiska, maxay yihiin dalabyada loo heli karo dadka ay saameeyeen dhaawacyada waxaad ka heli doontaa jawaabaha tan iyo kuwo kaloo badan halkan.

Halkeen ka heli karaa macluumaad ku saabsan nidaamka caafimaadka Swiss?

Nidaamka caafimaadka ee Iswiiska waa mid adag oo dad badani waxay qabaan su'aalo ku saabsan: Sidee buu u shaqeeyaa caymiska caafimaadku? Yaan la xiriiraa haddii aan buko ama shil galo? Waa maxay xuquuqdayda iyo waajibaadkayga bukaan ahaan? Sideen iskaga ilaaliyaa cudurada? Buug -yaraha "Hagaha Caafimaadka ee Iswiiska" wuxuu kaaga jawaabayaa su'aalahan iyo kuwo kale oo badan wuxuuna sharaxayaa nidaamka caafimaadka Swiss si kooban oo cad. Buug yarahan waxaa lagu heli karaa si lacag la’aan ah iyadoo loo soo dejinayo PDF oo ku qoran 18 luqadood.

Waxaan qabaa su'aalo ku saabsan daryeelka horumarinta, nafaqada iyo barbaarinta ilmaheyga yar Halkee ayaan talo ka heli karaa?

Waalidka haysta dhalaanka iyo carruurta yaryar waxay la xiriiri karaan adeega la-talinta waalidka. Waxay ka heli doontaa taageero su‘aalaha la xiriira nafaqada, daryeelka, ilaalinta iyo koriismaha. Xitaa haddii ilmahaagu ooyo marar badan ama uusan degeneyn, Caawimaada waxaad ka heli kartaa xarunta Lataliyayaasha waalidka. Lataliyayaasha waalidka ayaa gurigaaga kugu soo booqan kara haddii aad codsatid ama macluumaadka waxay kugu siinayaan taleefanka ama khadka tooska ah.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan adeegyada la talinta ee gobolkaaga xaafada deegaankaaga ama Boga Internetka Waaxda Caafimaadka ee Graubünden.

Halkeen ka heli karaa macluumaad ku saabsan uurka, ka hortaga uurka, iyo caabuqyada galmada lagu kala qaado?

Ururka Sexuelle Gesundheit Schweiz (Caafimaadka Galmada Iswiiska) wuxuu bixiyaa macluumaad farsamo ahaan la taageeray oo ku saabsan mowduucyada caafimaadka galmada Boga internetka ee luqado badan ku hadla sex-i.ch. Waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan xubnaha taranka, hababka kala duwan ee ka hortaga uurka, uurka, joojinta uurka, ka hortaga uurka ka dib dhalmada, iyo sidoo kale ka hortaga caabuqyada lagu kala qaado galmada.

Fadlan la xiriir dhakhtarkaaga si aad u hesho talo shaqsi ahaan, Dhakhtarkaaga ama xarunta la talinta caafimaadka galmada. Graubünden ayaad kala xiriiri kartaa Adebar – Fachstelle für sexuelle Gesundheit und Familienplanung (Khabiirka Caafimaadka Galmada iyo Qorsheynta Qoyska) La taliyayaasha adoo balan ayaad kula kulmi kartaa Telefoonkan 081 250 34 38 mise Iimayl beratung@adebar-gr.ch. Taladu waa lacag la'aan.

Naxdintii aan soo marey ayaa i cusleysiineysa. Xageen ka heli karaa taageero?

Dadka qaar ayaa ku xanuuunsada oo isku buuqa.kuwa ay saameeyeen dhibaatada walbahaarka, waa muhiim inay la xiriiraan dad ku taqasusey. Waxaad wax badan oo ku saabsan arintan ka heli kartaa buug -yaraha "Wenn das Vergessen nicht gelingt" ("Haddii iloowgu uusan guulaysan"), kaas oo loo heli karo sidii PDF lacag la'aan ah oo lagu soo dejisan karo 10 luqadood.

Aniga oo gabar ah ayaa lay guday. Xageen ka heli karaa macluumaad iyo taageero?

Gudniinka gabdhaha (Female Genital Mutilation/Cutting FGM/C) wuxuu yeelan karaa cawaaqib jireed iyo maskaxeed oo badan. Dhinacyo kala duwan ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaari kara arintan, tusaale ahaan darnaanta gudniinka ama duruufaha lagu sameeyey. Haweenka gudan waxay isweydiin karaan su'aalo ay ka mid yihiin: Waa maxay noocyada goynta xubinta taranku? Waxaan leeyahay uur, maxay tani uga dhigan tahay dhalashada ilmahayga? Xanuun daran baan qabaa markaan kaadinayo iyo xilliga caadada, xageen ka heli karaa caawimaad? Waa maxay adeegyada ay bixiso shirkada caymiska caafimaadku haddii aan u baahdo caawimaad caafimaad oo gaar ah?

Waxaa muhiim ah in la ogaado in haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen ay xaq u leeyihiin badbaadin iyo caawimaad. Waxaad ka heli kartaa macluumaad, talo iyo taageero xafiisyada soo socda:

Netzwerk Mädchenbeschneidung (Shabakada ka soo horjeeda gudniinka dumarka Iswiiska)

Ee Netzwerk gegen Mädchenbeschneidung Schweiz (Shabakada ka soo horjeeda gudniinka dumarka Iswiiska) waxay ku bixisaa bogeeda macluumaad badan oo ku saabsan mowduuca jarista xubinta taranka. Kuwaaso lagu heli karaa Carabi, Jarmal, Faransiis, Talyaani, Ingiriis, Tigrinya iyo Soomaali.

Waxaa sidoo kale la qabanqaabin karaa la tashi bilaash ah. Rabitaanka codsiga, ayaa talooyinka lagu bixin karaa si qarsoodi ah iyadoo lala kaashanayo turjumaan dhaqameedyada kala duwan. La taliyayaasha waxaa lagala xiriiri karaa Talefonka 041 419 23 55 ama iimayl beratung @maedchenbeschnenung.

Adebar – Fachstelle für sexuelle Gesundheit und Familienplanung (Takhasuslaha Caafimaadka Galmada iyo Qorsheynta Qoyska)

Sidoo kale Graubünden waxaa ku yaal goob xiriirka gobolka oo su'aalaha ku saabsan goynta xubinta taranka dumarka. La taliyayaasha ka socda Adebar – Fachstelle für sexuelle Gesundheit und Familienplanung (Takhasuslaha Caafimaadka Galmada iyo Qorsheynta Qoyska) ayaa balan lagala xiriiri karaa Talefoonkan 081 250 34 38 ama iimayl u dir beratung@adebar-gr.ch. Taladu waa lacag la'aan

Goynta xubinta taranka ee gabdhaha waa xadgudub xuquuqda aadanaha ah, sida wadamada kale badankood, waa ka mamnuuc Iswiiska. Mamnuucidu waxay ku qoran tahay Xeerka Ciqaabta Swiss (Qod. 124 StGB)