Navigation

Inhaltsbereich

Sida aad u baran karto xirfad, halka aad ku ogaan karto xirfadaha EBA iyo EFZ ee jira iyo sababta tababarka dheeraadka ah uu muhiim u yahay waxbarashada ka dib - jawaabaha su'aalahan iyo kuwa kale ayaa laga heli karaa halkan.

Sideed u baranaysaa xirfad?

Ka dib markii laga qalin jabiyo dugsiyada Iswiiska ku dhawaad laba ka mid ah sadexdii qof ee dhalinyarada ah ayaa bilaaba xirfad tababar. Dadka waaweyn sidoo kale waxay sameyn karan xirfad tababar. Waxey socotaa iyadoo ku xiran xirfada sadex ama afar sano. Ka dib markii ay ku guleystaan oo ay dhameeyan tababarka, ardaydu waxey helayaan Shahadada Aqonta (EFZ) ee Federalka. Ee ardeyda loogu tala galey Kuwa waxqabadkoodu daciifka yahay waxaa jira xirfado laba sano ah. Waxay ahaan doontaa mid shahaadada xirfadda (EBA) ee Federalka lagu dhameystirey.

Waxyabaha u gaarka ah ee ku sabsan waxbarashada xirfada ee Iswiiska waa isku dhafka dugsiga iyo xirfada shaqada. Qaabkan waxaa loo yaqaanaa nidaamka labada ah. Ardeyda waxay sharci ahaan shaqeeyaan afar maalmood usbuucii. Xirfadaha qaarkoodna way ka yar yihiin, hakaas oo ay shirkad tababar booqdaan, oo ayna ka helaan aqoon la taaban karo. Maalmaha kale ee todobaadka waxay dhigtan dugsi xirfaded, halkas oo ay aragtiyo ka bartaan.

Ardayda hibada u leh tacliinta waxay kaloo booqan karaan casharada dugsiga aqooneed ee Maturada, Xirfada Matuurada waxaa loo sameyn karaa. Inuu qofka casharadiisa la qaadan karo intuu ku jiro waqtiga barashada Xirfada ama markuu dhameystiro kadib.

Dadka qaangaarka ah ee aan lahayn waxbarashada aasaasiga ah ee tababar xirfadeed, waxaa jira siyaabo kala duwan oo lagu helo shahaado xirfadeed. Weydii macalinkaga shaqada ama wax badan ka ogow boga berufsberatung.ch.

 

Waa kuwee xirfadaha EBA ee jira?

Waxaa jira in ka badan 60 xirfadood oo EBA ah oo ku yaal goobo shaqo oo badan. Waxaad ka heli kartaa guud ahaan boga berufsberatung.ch.

Kadib markii aad si guul leh ku dhamaysato waxbarashadaada, waxad raadsan karta shaqo oo aad ku shaqayn karta xirfada aad baratay. Hadii waxqabadkagu wanagsanaa, waxa suuro gal ah inaad sii wadato waxbarashadaada oo aad hesho Shahadada aqoonta ee Federaalka (EFZ).

Waa kuwee xirfadaha EFZ ee jira?

Waxa jira ku dhawad 180 xirfadod oo EFZ ah oo ku yaal goobo xirfaded oo kala duwan. Waxad ka heli karta guud ahaan boga berufsberatung.ch.

Kadib marka aad si guul leh u dhamaysato waxbarashadaada, waxaad raadsan kartaa shaqo oo aad ku shaqayn kartaa xirfada aad baratay. Waxa kale oo jirta fursad lagu sameeyo tababar sare oo xirfaded. Hadii aad haysato shahadada aqoonta Maturada, waxaad dhigan kartaa maadada tacliinta mac`hadka sare. Adigoo ku kabeysid. Tusaale ahaan Imtixaanka Passerellen Waxa kale oo aad heli kartaa dhaman koorsooyinka waxbarasho ee jaamacadaha Iswiiska iyo sidoo kale dhamaan koorsooyinka waxbarasho ee kuliyadaha sare ee barbaarinta.

Waa maxay fursadaha aan haysto marka aan dhameeyo kuliyada aqoonta Matuurada?

Xirfada aqoonta Matuurada ayaa qaabaynaysa saldhig ku haboon gelitaanka ilaa dugsiyo heer jaamacadeed iyo koorasyo waxbarasho oo badan.

Kuwa haysta Matuura aqoon xirfadedka wuxuu xaq u leyahay in uu galo goob waxbarasho ee la xiriirta xirfada ee jaamacada xirfadaha sare imtixaan la'aan. Marka lagu daro shurudaha gelitanka rasmiga ah ayaa lagu dabaqi karaa shuruudo gelitaan oo dheeraad ah sida shaqo barashada, imtixaanada aqoonta iwm.

Waa maxey Imtixanka Passerellen ka? Muxuu faa'iido leeyahay?

Qof kasta oo ku guulaysta imtixaankii dheeriga ahaa ee passerelle oo ay u dheer tahay shahaadada Matuura xirfaded ee federaalka waxa uu iska qori karaa jaamacad Iswiis ah ama kuliyada sare ee barbaarinta. Imtixaanka passerelle waxaa lagu diyaarin karaa mid wax is barid ah ama koorso Passerellen ah.

Waa maxay koorsooyinka sii wadtda waxbarashada ee jiro? Yaase maalgeliya iyaga?

Waxaa jira fursado badan si aad naftaada wax usii barato. Tani waxay u dhacdaa qaab koorsooyin, siminaaro, koorsooyin tababar gaaban ama dheer. Qaarkood waxay u horseedaan xirfado dawladu aqoonsan tahay ama magacyo takhasus leh. Koorsooyin badan ee tababaada dheeraadka ah. Adiga ayaa baxsanaya kharashka ama qayb ahaan waxaa maalgeliya shirkada aad u shaqeyso. Waxa jirta koorsooyin xirfadeed badan oo taageerada dhaqaale kahela dowladda federaalka.