Navigation

Inhaltsbereich

Waa maxay shaqada uu qabto tababaraha shaqadu, maxay faa'iido u leedahay shaqo-barashadu iyo waxa muhiimka ah si loo awoodo in la qabto tababbarka aasaasiga ah ee xirfadaha (Lehre) – waxaas oo dhan iyo wax ka badanba waxaad ka heli kartaa halkan.

Sidee buu u shaqeeyaa barnaamijka taageerada is dhexgalka luqada iyo xirfadaha?

Waaxda isdhexgalka waxay diirada saartaa is dhexgalka luqada iyo xirfadaha qaxootiga la aqoonsan yahay iyo dadka sida ku meel gaarka ah loo qaabilay. barnaamij ku saabsan taageero kala duwan oo la isku dubariday iyo sidoo kale maaraynta kiis joogto ah.

Barnaamijka maalgelinta waxa ka mid ah qodobada soo socda:

  • Munaasabad martiqaad oo ku sabsan maclumadka ugu horeyo
  • Imtixaan ku meelaynta luqada
  • Ku meelaynta koorsada luqada ama deeq waxbarasho, iyada oo la tixgelinayo shuruudaha shakhsi ahaaneed > Ujeedadu waa iney ugu yaraan dhamaan A2 ku hadalka ka gaaraan hadii kale A2/B1 mise sidoo kale.B1/B2 kuwa waxbarashada la qabsadey
  • U gudubka talaabooyinka dhiiri gelin ee isdhexgalka xirfadeed
  • Munaasabad warbixinta "isdhexgalka xirfadeed"
  • Taageero shakhsi ahaaneed iyo ku wehlinta tababarayaasha shaqada
  • Ka qaybgalayaasha leh heerka luqada A1/A2 inta badan waxaa ugu xiga caadiyan hawl 3-usbuuc ah oo qiimaynta ku dhaqanka (PAF). Iyada oo ku saleysan natiijooyinka qiimeynta ku dhaqan ee la taaban karo, ayaa talaabooyinka dheeraadka ah lala go`amiyaa tababaraha shaqada (Hawlgal tijaabo ah, Tababar, Qaabka mushaharka wakhtiga qayb ahaan, iwm.)
  • Ka qaybgalayaasha leh heerka luqada B1, si gaar ah ayaa loo caawiyaa, iyadoo la tixgelinaayo shuruudahooda (shahaadada, tababarka iyo waxbarashada dheeraadka ah, iwm.)

Ujeedadu waa in qaxootiga la aqoonsan yahay iyo kuwa si ku meel gaarka ah loo ogolaadey ay halkan ka helaan booskooda shaqo iyo xirfadeedba.

Sidee ayay waaxda isdhexgalka u taageertaa dhalinyarada (laga bilaabo da'da 16) iyo dhalinyarada qaangaarka ah?

  • Taageerada luqada iyo dugsiga ee qaab dhismeedka deeqaha waxbarasho ama koorsooyinka luqada (B1/B2) iyo taageero dheeraad ah oo xaga xisaabta ah
  • Xog firfircoon iyo taageerada meeleynta hawsha isku xidhka gobolka ujeedadiisuna tahay in la helo xalalka isku xirka
  • Taageero iyo talo inta lagu jiro booqashada bixinta iskuxirka
  • Taageerida helida tababar shaqo iyo xal u helida ka qaybgalayaasha aan helin tababar shaqo ka dib markay booqdeen deeqda isku xirka
  • Taageero iyo talo inta lagu jiro waxbarashada Xirfada
  • Meeleynta deeqaha taageero ee ku salaysan baahida mudada waxbarashada xirfada (Ku wehlin waxbarasho ee iskaa wax u qabso)

Waa maxay tababaraha shaqada?

Qof ka ku caawinaya shaqadiisa waxay tahay

  • Inuu kuu diyaaryo ama qabanqaabiyo, uuna idiin dhexeeyo adiga iyo shirkada ama qofka shaqada ku siiyey, uuna la socdo ama kaa hubiyo inta lagu guda jiro isdhexgalka xaga shaqada ama aad kala qabsaneysid shaqada.
  • In uu kaa xaqiijiyo ama kaa ogaado in heshiiska adiga iyo shirkada ama qofka shaqada ku siiyey si habsami leh loo fulinaayo ama waafaqsan sharciga loogu dhaqmaayo aadna ku egtahay ama aad qabaneysid shaqadii lagu heshiiyey keliya dadka laga caawinaayo shaqada waa dadka shaqada si ku meel gaar ahaan loo qaatey iyo dadka qoxootinimada loo ogolaaday (vA/Flü) waxaana la ilaalinayaa ama la caawinayaa wada shaqaynta adiga iyo shirkadda idiinka dhexeysa.
  • Wax alle wixii ku saabsan Talo siin iyo caawinaad qofka vA/Flü inta lagu gudo jiro la qabsashada shaqada ama isdhexgalka shaqada.

Ujeedooyinka ama Himilooyinka

  • In si dhab ay u dhexgalaan bulshada iyo shaqada dadka loo aqoonsaday qoxootinimo und kuwa si ku meel gaar ah loo qaatey.
  • Ka qeybgalayaasha mashruucaan waxay heli doonaan ama baran doonaan sida looga shaqeeyo shaqooyinka kala duwan, wayna isku tijaabin doonaan shaqooyinka ay jecelyihiin in mustaqbalka ay ku shaqeystaan waxayna helayaan fursado ay ku qorsheystaan ama kaga miro dhalinkaraan barashada shaqada.

Qofka kaa caawinaaya shaqada

  • Wuxuu kuu qorsheyn doonaa ama kula hubin doonaa himilooyinka aad higsaneysid sidaad ku gaari lahayd
  • Wuxuu ku geyn doonaa ama kula eegi doonaa meesha shaqada wuxuuna kaagala qaybgalayaa wada hadalada ama heshiiska adiga iyo shirkadda idiin dhexmaraayo
  • Wuxuu kula garab taaganyahay caawinaad hiil iyo hooba leh
  • Wuxuu u taaganyahay sidii uu uga dhaadhicin lahaa shirkadda in aad tahay qof laysku haleyn karo
  • Wuxuu ku siinayaa talooyin aad u muhiimsan

Qofka shaqada raadinaaya ama shqao doonka ah

  • Waa in uu la yimaadaa ujeedooyin cad-cad ama himilooyinka uu higsanayo, lana yimaado kartidii lagu gaari lahaa himilooyinka
  • Inta lagu guda jiro mashruucaan is dhexgalka ah waa in uu raadsadaa shaqo
  • In uu ku dadaalo uuna sameeyo wixii karaankiisa ah ama awoodiisa ah sidii uu shaqo ku heli lahaa

Waa maxay qiimaynta ku dhaqanka?

Ujeedo

  • Baro waxyaalaha aasaasiga u ah ee ku taxluqa shaqaalaha iyo shaqada «sida looga shaqeeyo wadanka iswiserland»
  • In aad ogaato ama aad tijaabiso awoodaada shaqo wixii aad soo baratay intii lagu guda jiro mashruucaan oo wixii kaa qaldan ama aad aqoonin aad geliso waqti dheer
  • Dub u eegid ku samee warbixintii ama warqaddii cadeynta ahayd ee shirkadda ku soo siisey iyo araajida shaqada loo qorto iyo wixii kale ee aad haysatid oo in aad shaqo hesho kaa caawin kara
  • Talaabada kuugu xigta aad qaadeyso kala tasho la taliyahahaaga si aad si wadajir ah ugu falaqaynsann ka dibna halwado u qorsheysaan

Inta ay soconayaan koorsooyinka

  • 1. usbuuc; casharada ama daruusta caadiga
  • 2. ilaa 3. usbuuc; shaqooyinka gacanta laga qabto> Tusaale ahaan kushiinka ama qofka cuntada karinaaya, qofka cuntada dadka u geeygeeynaya ama (kapelyeeri), shaqaalaha nadaafadda ku shaqo leh, warshadaha ama kuwa ka shaqeeya biraha-/kuwa ka shaqeeya qoryaha ama alwaaxda qora

Fursadaas lagu siiyey waxaa lagaaga doonayaa natiijo la taaban karo (miro dhal ah)

  • In aad barato shaqooyin kala duwan oo kala jaad ah sida loogu shaqeeyo
  • In aad is qiimeyn isku sameyso waxaad ku xuntahay ama aad ku fiicantahay
  • Baro awoodaada ama kartidaada gaarka ah ee shaqo inta ay la, egtahay
  • Baro shaqooyinka proseeskooda iyo sida xawliga ay ku socoto shaqadaas

Waxyaalaha soo socda ayaad sameynkartaa

  • Qofka kuu ah lataliye ama kaa caawinaaya shaqada waxay shirkadda aad tijaabada aaad ku soo sameysay u soo dirayaan warqad cadyn ah sida aad shaqada ku ahayd, kartidaada iyo dadaalkaada shaqo iyo waraaqo lagu lifaaqayo aaraajida shaqo raadinta iyo weliba qorshe ku saabsan shaqadaada.
  • Wadahalka adiga iyo lataliyahaaga xaga shaqada wuxuu ku salaysan doonaa hadba ja-waabta ama qoraalka ay shirkaddu kaa soo gudbiso ee ku saabsan tijaabadii shaqo ee aad soo sameysay (qiimeyn) iyo mustaqbalka waxaa ku aadan ee aad qaban doontid.

Waa maxey tababar?

Ujeedo

  • Dhameyso ama ka qaado tababar shaqo dhowrbilood ah hal shirkad.
  • Adeegso ama isticmaal aqoontaada luqadeed iyo tan shaqaba.
  • Iska hubi tiro iyo tayo ahaanba shaqomaalmeedka sida runta ah.
  • Marmarka qaarkood haddii shirkadu u bogto shaqadaada iyo kartidaada ama dulqaadkaada marka ay dhamaato tababarka waxay ku siin karaan oo ay awood u leeyihiin in ay waxbarasho ku siiyaan ama ay kaa shubaan lacagta waxbarashadda amaba ay ku siiyaan shaqo waqti qeyb ah ama shaqo buuxda oo ayagaba ku qaataan.

Heshiisyada guud ee laguula gelaayo bilowga tababarka

  • Ka hor inta aadan bilaabin tababarka shaqo waxaa laguula gelayaa heshiis, heshiiskaaso waafaqsan sharciga labada dhinacbana ay saxiixayaan (adiga iyo shirkadda). Tabatarkaas shaqo wuxuu soconayaa waqti go,an oo shaqsi kasta waqti mucayin ah lala galo.

Fursadaas lagu siiyey waxaa lagaaga doonayaa natiijo la taaban karo (miro dhal ah)

  • Waa in aad muujisaa ama soo banaan dhigtaa karti iyo hufnaan shaqo.
  • Waxaad haysataa fursad aad isku ogaato inta uu karankaada dhanyahay, isna barbar dhigto shaqada aad qabaneyso iyo dadka kula shaqeeya shaqadooda, ka barato waxay kaaga fiicanyihiin.
  • Isku day in aad soo bandhigto shaqo wanaagsan, lagaana dareemo in aad shaqadaan diyaar aad u tahay, daacadna u tahay.
  • Waxaad barataa shaqaalaha kula shaqeeya, xiriir fiicana la yeelo.
  • Aqoontaada afka jarmalka si fiican u wanaaji.
  • Marka aad dhameyso tijaabada ama tababarka shaqada shirkadda waxay ku siinaysaa warqad cadayn ah. Haddii lagu siiyo cadayn fiican waxay kaa caawinaysaa raadinta shaqo iyo talaabada ku xigta ee aad qaadeyso micnaha (haddii aad waxbarasho sii wadeysid iyo haddii aad shaqo raadsaneysidba).

Talaabada kuugu xigta ee aad qaadeyso

  • In aad sii wadatid tijaabada shaqo
  • Koorsooyinka aad weli qaadanin ama kuu harsan inta lagu guda jiro mashruuca isdhexgalka in aad hadda sameyso
  • Koorsooyin gaar u ah shaqada aad hadda tijaabada ku sameynayso ama shaqada aad mustaqbalka doonaysid in aad qabato
  • Waxbarasho joogta ah
  • Shaqo go,an oo maalmo keliya la shaqeeynaayo ama shaqo maalinwalba ah

Waa maxey qaabka marxalada qaybta mushaarka?

Bilowga

  • 6 bilood oo carbin (shaqo gacanta laga qabanaayo baraneysid) inta lagu guda jiro kala doorashada xirfadaha shaqo (ugu badnaan)

Bilow mushahar qeybtiisa

  • 6 bilood oo mushahar ah 1. Sanadka ugu horeeyo ee aad waxbarashada ku jirto.
  • 6 bilood oo mushahar ah 2. Sanadka labaad ee aad waxbarashada ku jrto.
  • 6 bilood oo mushahar ah uga yaraan mushahar ah CHF 2‘500.-

Kala doorasho inta lagu guda jiro mashruucan heerarka kala duwan leh

  • Gelitaan meel xirfad shaqo lagu baranaayo
  • In laguugu qaato xirfadaas shaqo inta aad ku jirtid barashadeeda mushahar u dhigma kan shaqaalaha caadiga ah ay qaataan
  • Ka harid ama ka bixid cilad kasta ha ahaatee

Xaaladaha

  • Koorsooyin la socda shaqada (koorso luqadeed / waxbarasho guud/ koorsooyin gaar u ah waxa aad baraneysid) qasab bay kuugu tahay inta lagu guda jiro mashruucaan oo lagu siinaayo 6 bilood mushahar in aad sameyso koorsooyin.

Wax la hiigsanaayo

  • Waqtidheer oo ku saabsan isdhexgalka shaqada ama la qabsasho shaqo, in aad kororsato aqoontaada marwalba taas oo fursad laguuu siinaayo
  • Shaqo mucayin ah oo aad qibrad fiican u yeelatid
  • Kororka luqada oo maalinwalba ah ilaa B1oo afka ah

Shuruudaha laga doonaayo qofka

  • Aqoonta afka jarmalkauu u leeyahay ugu yaraan A1+
  • Adigoo ka haysta fikrad fiican ogna mustaqbalka waxa camal/shaqo aad qabaneysid
  • Inaad diyaar u tahay ujeedadaada ama hadafkaada shaqo, kartina u muujisid shaqaalaha kula shaqeeya
  • In aad ka ka guul gaartid ujeedooyinka ama balamada laguula galey oo sidey yihiin u fuliya

Natiijo la taabankaro

  • In aad diyaar u tahay in aad fuliso heshiisyada shaqo ee laguula gelaayo
  • Fursad dhab ah, oo ku siinayso in aad xirfad shaqo ku baratid/aad ku yeelatid
  • Fursad dhab ah, oo ku gaarsiineysa in aad ku shaqeyso wixii aad baratay ama shaqo u eg wixii aad baratay
  • Farsamadaas ama xirfadaas shaqo mushahar u dhigma sida uu sharciga qabo
  • Fursad ku saleysan, sidii aad u kobcin ama u horumarin lahayd xirfadaada iyo dhaqaalahaada

Sii wadasho/hore u sii socosho xiriir ah waa suurtagal

  • Qofka shaqadoonka ah asagoo ka helaayo caawinaad qofka isaga la taliye u ah ama shaqada u raadinaayo waxaa suurtagal ah in uu waxbarasho sii wato ama shaqo

Sideen ku ogaan karaa shaqada igu haboon?

Tababarahaaga shaqo ayaa ku tusi doona fursadaha kala duwan ee xirfadaha iyo sharaxaadooda. Kuwaas waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, kuwan:

Waa maxay shuruudaha, si loo dhamaystiro waxbarashada aasaasiga ah ee tababarka xirfadeed?

Shuruudaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  • Heerka Jarmalka B1, iyadoo ay ku xiran tahay goobta xirfaded B2 (Af iyo qoraalba uu ku gudbo imtixaanka Telc)
  • Aqoon wanaagsan oo Xisaab
  • Isku filnaan waxbarasho iyo xeelado waxbarasho
  • Rabitaanka, in uu si buuxda u qaato tababarka
  • Diyaargaroowga, horumarinta shakhsi iyo luqad ahaaneedba
  • 100% u diyaar ahaansho (wakhti dhiman suurtagal maaha)
  • U diyaar ahaanshaha naftiisa. 2 - 4 Sano iney waajib ku tahay in lagu noolaado ceeyrta inta lagu jiro waqtigas (Mushaharka shaqo-barashada ma daboolo kharashaadka nolosha)

Waxbarashada aasaasiga ah ee EBA ama EFZ waxay suurtagal noqon kartaa oo keliya iyadoo leh xirfado tacliin iyo luqadeed oo wanaagsan, hawlgal weyn iyo balanqaad shirkad tababar.