Navigation

Inhaltsbereich

Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo faa'iido leh oo ku saabsan arimo kala duwan.

Waa maxay doorka aan ku leeyahay guusha?

Aqoonta aad u leedahay luqada ama afka

Marwalba si badso ama kororso aqoonta aad u leedahay afka-jarmalka! Tusaale ahaan in aad si joogta ah ugu celcelisid casharadii hore. Iibso ama amaaho wargeysyada afka jarmalka ku qoran ama daawo porogaraamada afka jarmalka ee telefishinka ka baxa, xiriir hoose la same dadka wadanka u dhashay iwm. isfahamka labada dhinac meel walba oo aad ka eegtid waa muhiim wuxuuna furayaa albaab cusub.

Ahaaw qof balanta waqtigeeda ilaaliya

Ilaali waqtiga laguula balamo. Horena u sheeg, haddii aad balan leedahay ama uu kuugu yimid dib u dhac ama aadan imaan Karin balanta.

Noqo qof laysku halayn karo

Ilaali balamada iyo waqtiyada laguula galaayo. Dadka isku xirfada ah waxaa khasab ah in uu qofba qofka kale isku halayn karo.

Ahaaw qof ku faraxsan shaqadiisa

Tus in aad tahay qof shaqada diyaar u ah in uu qabto ama u jajaban,waxaad awoodo ama itaalkaada ah aadna rabto in aad ka gaartid guul.xiiso badana u haayo,dadka diyaarka u ah in ay shaqada qabta ama xiiso badan u haayo waxay si dhakhso ah u helayaan shaqo fiican oo ay ku faraxsanyihiin.

Noqo qof masuul qaadi kara ama u guta si hufnaan ay ku dheehantahay

Shaqo kasta ku dhameey waqtigeeda si aqoon iyo caqli ku jiro. Qaladkaada qiro ogolaawna in lagu saxo. Meelaha iska taagtaagnaasho waxay kaa bixinaysaa aragti ama sawir xun.

Noqo qof isku filan oo ka soobixi kara waajibaadkiisa

Ka fikir marka hore ka dibna ku dhaqaaq in aad sameyso-meel walba ama waqti kasta oo suuurogal ah in aad keligaada shaqayso ama aad qabato shaqada ku hortaal. Tusi shirkadaada, in aad tahay qof laysku halayn karo.

ahaaw qof diyaar u ah in uu waxbarto

ka faa, iideyso fursad kasta oo ku soo marta in aad wax ka baratid. Noqo qof dadka kale la shaqeyn kara ama asaga lala shaqayn karo Caawi kuwa kaa hooseeya amaba kuwo kale, ka dib si adigana laguu caawiyo.

Noqo qof edeb leh ama anshax leh yaqaanana hab la dhaqanka dadka

Noqo qof edeb u leh macaamiisha, shaqaalaha ay isla shaqaynayaan iyo weliba shirkadda. Marwalba ama qofkasta u isticmaal ereyga magac u yaalka ah ee xushmada loo isticmaalo «adiga-habka» ilaa adiga laguugu isticmaalo ereyga magac u yaalka ah ee «adiga» ee saaxiibtinimada ah.

Sida saxda ah ama uu sharcigu qabo

Marka aad shaqada ka baxaysid ama aad dhamaysid shaqadaada kaga tag nadiif kana aruuri wixii aad meesha keentay ama wasakh ah.

Muuji dulqaadasho badan ama dhabar adeyg badan

Muuji dhabar adeyg badan, xataa haddii ay shaqada kuula muuqato mid aadan xiiso u hayn. Himilooyinka aad higsanayso waxaad ku gaari kartaa oo kaliya adigoo muujiya dulqaad badan.

Ka maqnaasho aad ka maqnaato shaqada

Ka maqnaashaha waxaa la ogolyahay oo keliya wixii ku yimaada arin deg-deg ah. (sida xanuun kuugu yimid) U sheeg marwalba shirkadda iyo sababta aad u maqnaaneysid.

Muuqaalkaada guud

Soo gal shaqada adigoo u muuqda qof caadi ah (micnuhu waxaa weeye adigoo soo saqmaaray ama soo qayiley ha imaan shaqada). Ilaali nadaafadaada guud.

Hubaal la, aan

Haddii aadan waxba fahmin, su, aal marlabaad. Su, aaasha waxay ku tusaysaa in aad xiiso u haysid waxayna kaa ilaalineysaa in mardambe laysku xanaaqo ama laguu fahmo qof aan waxba fahmeynin.

Mushahar intee le'eg ayaan qaadan?

Sharciga Swiiska ma jiro mushaharka ugu yar ee lagu qeexay Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wadarta qandaraasyada shaqada ama qandaraasyada shaqada ee caadiga ah ayaa bixiya mushaharka ugu yar ee qaybaha xirfadaha qaarkod. Qadarka mushaharka waxaa ku heshiiya loo shaqeyaha iyo shaqalaha marka shaqalaha la shaqaleysiiyo.

Haddii ay dhacdo caqabad in aad awoodi weydo in aad ku shaqeyso adiga oo aan dembigeeda lahayn, sida xanuu, shil, adeeg ciidan, iwm, sharcigu waxa uu dhigayaa, in loo shaqeyuhu uu sii wado bixinta mushaharka wakhti xadidan. Ilaa intee le`eg ay tani dhacayso waxay ku xidhan tahay waqtiga dheer ee heshiiska shaqada

Yaa bixinaya qadada markaan shaqeeyo?

Haddii aad hesho mushahar kugu filan, waa inaad adigu iska bixisaa qadada. Haday ku taageeraan adeega bulshada ee gobolka ama xafiiska socdaalka iyo xuquuqda madaniga (Waaxda Hoyga iyo Daryeelka ama Waaxda Hoyga gaar ahaaneed), fadlan la xiriir qofka u xilsaaran ee masuulka ka ah, si aad u codsato kaalmo dhaqaale.

Waxaan jeclaan lahaa inaan casharo darawalnimo u qaato baabuurta rakaabka oo aan sameeyo imtixaanka baabuurka (qaybta B). Ma heli karaa taageero dhaqaale?

Qaybsiga kharashka ee hilitaanka liisanka darawalnimada qaybta B waa soo jeedin gaar ah oo is dhexgalka ah oo loogu talagalay horumarinta jogtada ah ee isdhexgalka xirfaded, kaas oo ku xidhan shuruudo kala duwan. Sida shuruudaha aasaasiga ah, in faa'iidada xirfada la cadeeyo. Kala hadal codsigaaga tababarahaaga shaqada.

Sidee loo aqoonsan karaa shahaado dibadeed?

Aqoonsiga shahado dibadeeedka loogama baahna xirfad kasta. Hadii xirfadada aan lagu nidaamin Iswiiska, waxaad ku shaqeysan kartaa xirfadada iyadoo aan la aqoonsan shahaadadaada ama aqoonsigaga xirfaded. Si kastaba ha ahatee, hadii aad ka shaqayn karto goobtaada xirfaded waxay ku xiran tahay meesha shaqada iyo shuruudaha shaqo-bixiyaha mustaqbalka. Xirfadaha ugu badan ee Iswiiska laguma nidaamiyo.

Xirfadada aad soo baratay ma lagu maamulaa Iswiiska, Ma u baahan tahay dibloomadaada dibadeedka ah ama shahaado xirfadeedkaaga si ay u aqoonsato maamulka Swiiska ama hay'adaha. Xirfadaha waxaa loo tixgaliyaa in la nidaamiyo hadii in lagu dhaqmo uu u baahan yahay shahaado ama Kaarka aqoonsiga ayaa laga dhigayaa mid ku tiirsan oo sharcigana ku nidaamsan.

Iswiiska waxaa ka jira hay'ado aqoonsi oo kala duwan oo lagu aqoonsanayo shahaadooyinka iyo xirfadaha ajnabiga. Boga internetka ee Xoghaynta Waxbarashada Dowlada. Cilmi-baarista iyo hal abuurka SBFI waxaad ka heli doontaa dulmar guud oo ku saabsan mas'uuliyiinta Maamulka iyo hay'adaha.

Waxad ka heli kartaa maclumaad dheerad ah oo ku saabsan aqonsiga shahadooyinka shisheye ee Iswiiska iyo dulmar ku saabsan heshiisyada caalamiga ah ee nidaaminaya arimaha aqoonsiga Boga Internetka ee Shirweynaha Gudoomiyayaasha ee Jaamacadaha Iswiiska swissuniversities.ch. Shahaadooyinka jaamacadeed ee ajnabiga ah lagama aqoonsanayo heer federaal. Si aad u gasho koorsada waxbarasho, toos ula xiriir kuliyada jaamacadaha.

Maxaa lagu nidaamiyaa qandaraska heshiiska shaqada?

Heshiiska qandaraska shaqadu wuxuu nidaamiya xuquqda iyo wajibadka shaqo bixiyaha iyo shaqalaha Shaqaluhu wuxuu balan qadayaa inuu qabto shaqada lagu heshiiyey, Loo shaqeyahana waxaa ku waajib ah inuu bixiyo mushaharka iyo adeegyada bulshada iyo inuu bixiyo fasaxyada. Heshiiska qandaraska shaqadu waa inuu ka kooban yahay ugu yaraan magacyada labada dhinac (loo shaqeeyaha iyo shaqalaha), taariikhda qandaraaska bilaabmayo, shaqada la qabanayo iyo biilka mushaharka ee la bixinayo Maxaan ku qeexnayn hishiiska qandaraska labada dhinac. Inta badan waxaa lagu nidaamiyaa sharciyo ama xeerar kale, gaar ahaan xeerka wajibadka Iswiiska iyo hishiisyada qandaraska shaqo ee wadajir.

Halkeen ka heli karaa macluumaadka sharciga shaqada?

Sharciga shaqadu wuxuu nidamiyaa xuquqda iyo wajibaadka shaqalaha iyo loo shaqeyaha. Muhiimadu waa:

  • Xeerka shaqada (ilaalinta guud ee caafimadka, saacadaha shaqada iyo waqtiyada nasashada, dhalinyarada, haweenka uurka leh iyo hooyooyinka nuujinaya)
  • Xeerka Waajibaadka (Qandaraas Shaqalaysiinta Shakhsi ahaaneed, Qandaraaska Shaqalaysiinta Guud, Qandaraas shaqaleysiinta caadiga ah)
  • Sharciga Caymiska Shilalka (badbadada shaqada)
  • Dhamaan muwadininta ajnabiga ah, kuwaas oo ka shaqeya Iswiiska, waxaa lagu dabaqaa xeerarka shaqada ee isku midka ah sida asxaabtooda Swisska.

Yaan la xiriiri karaa hadii aan dareemo in loo shaqeyahaygu uu iila dhaqmay cadaalad daro?

Si taxadar leh uga fikir sababaha aadan ugu qanacsanayn booska shaqadada. Waxa ugu fiican in la sameeyo qoraalo ku saabsan habkey wax u dheceen oo kala gaar ah. Kala hadal tababarahaaga shaqada, wuxuu diyaar kuula yahay talo iyo taageero.

Maxaan sameeyaa hadii aan shaqo la'aan noqdo?

Hadii aad ku nooshahay Iswiiska oo adoo shaqaale ah noqotid shaqo la'aan, waase hadiii aad buuxisey shuruudihii lagaaga baahnaa waxaad xaq u leedahay lacagta shaqo la'aanta ee maalinlaha Shuruudaha lagama maarmaanka ah waa sharci degenansho oo sax ah iyo 12 bilood oo aad shaqaysay 2 sano ka hor in taadan shaqo la'aanta noqon.

Wixii su'aalo ah oo ku saabsan shaqo la'aan waxaa kuula diyaar ah xarunta lacagaha shaqo laaweyaasha iyo xarumaha shaqada ee gobolka (RAV).

Hadii aad lumiso shaqadada ama lagugu hanjabo shaqo la'aan, waxyabaha soo socda ayaa muhiim ah:

  • Biloow sida ugu dhaqsaha badan raadinta shaqo cusub, hadii aanad hore u bilaabin. Dadaalkaagaas waa in la cadeeyo marka la codsanayo Xaq u lahaanshaha inaad dalbato caymiska shaqo la'aanta maalin kasta. Qoraaladaas ku saabsan iyo koobiyada codsiyada qoraal ahaaneed iyo waraaqaha diidmada waa in la haystaa.
  • Isla markiiba soo wergeli xafiiska shaqada ee degmada aad ku nooshahay.

Waa maxay macnaha shaqada aan la shaacin?

Qofkasta oo mushahar ku qaata shaqada marmarka ah ee dhinacyada nadaafadda, daryeelka carrurta, shaqada guriga iyo beeraha waxaa sidoo kale loo arkaa inuu yahay shaqale oo waa inuu haystaa ogolansho booliska ajnabiga oo laga diiwaan geliyo caymiska bulshada. Haddii taasi aysan dhicin, waa shaqo sharci daro ah ama shaqo aan la shaacin iyo qofkii ay arinkaan quseyso hadii ay ku dhacaan shaqo la'aan, shil ama uu naafo noqdo caymiska kuma jiro.