Navigation

Inhaltsbereich

Multi-Bild-Anzeige

Junger Mann
Junge Frau im Park
Mann lehnt an Wand

Waaxda isdhexgalka ayaa ah meesha lagala xiriiro dhamaan dadka degan Gobolka Graubünden wixii su'aalo ah ee ku saabsan isdhexgalka iyo socdaalka. Ma heshay sharci qaxooti mise leedahay sharci ku meel gaar ah? Xaaladahan oo kale ayaan mas'uul kaaga nahay horumarinta isdhexgalkaaga luqadeed, bulsho iyo xirfadeed.

Dhisida nolol cusub oo wadan shisheye ah iyo ka qayb qadashada bulshada waxay qadataa waqti, badanana waa geedi socod dheer. Shaqalaheena ayaa kula socon doona. Adegyadeena tageero waxa kale oo ka mid ah in aan ku siino macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan ku noolaanshaha iyo ka shaqaynta Graubünden. Akhri qoraalkeena soo dhaweynta ee Gobolka oo ka ogoow Boga internetka hallo.gr.ch jawaabaha su'aalaha ay soo galootigu weydiiyaan. Waxad ka heli kartaa wax badan oo ku sabsan buug yaraha soo dhaweynta gobolka iyo hallo.gr.ch ee qaybta "Maalin walba".

Goobtan waxaad sidoo kale ka heli doontaa macluumaad si gaar ah loogu talagalay qaxootiga.

Waxaan kuu rajaynaynaa hab socod guul leh. Hadii aad wax su'aalo ah ama walaac ah qabtid, waan ku faraxsanahay inaan ku caawino.

Kooxdaada ee waaxda isdhexgalka