Navigation

Inhaltsbereich

Waa maxay waxyaabaha macquulka ah ee daryeelka ilmaha inta ka baxsan qoyska ee jira, Waa maxay xeerarka u yaala hooyada umusha ah iyo fasaxa aabanimada ee jira oo yaa qaata gunnada qoyska, Kuwaan iyo wax ka badan waxaad ka heli kartaa bogan.

Yaaii ilaalinaaya ilmahayga markaan shaqada tago?

Dhalaanka iyo carrurta yaryar waxay u bahan yihiin daryeel Si ay si wanagsan ugu hormari karaan, Waxay sidoo kale rabaan in la kiciyo lagana taageero dhinacyo badan. Mar kasta suurtagal maaha in qof qoyska ka mid ahi uu qabto hawshan muhiimka ah.

Carurta da'doodu tahay ilaa afar sano waxaa degmooyin badan ku yaal goobo lagu xanaaneeyo ama xanaanada maalin laha ee caruurta yaryar. Halkaa kuwa yaryari waxay joogaan maalintii oo ay kormeeraan oo ay taageran khabiiro. Sida caadiga ah, waalidku waxay dooran karaan inay rabaan inay ilmahooda u keenaan xarunta maalin kasta, maalmo gaar ah oo kaliya ama maalmo barkeed.

Waxa kale oo suurtogal ah in ilmaha Hooyada maalinlaha ah ama Qoyska maalinlaha ah lagu xanaaneeyo. Hooyada maalinlaha ah waa dumar, kuwaas oo xanaaneeya ilmahaaga wakhti buuxa, maalin badhkeed ama saacado. Waxad maclumaad dheerad ah oo arintan ku sabsan ka heli kartaa xafiiska takhasuska ku leh ee kabista qoyska xanaaneynta caruurta ee Famur ee qoysaska Graubünden.

Yaa ilaaliya ilmahayga wakhtiga qadada ama dugsiga kadib?

Degmooyinka qarkood waxa ku yaal xarumo xanaano ama xanaano maalmeed. Halkaasoo caruurta lagu daryeelo inta ka baxsan waqtiyada Kindergartenka iyo Dugsiyada. Caruurtu sidoo kale halkaas ayay ku qadayn karaan. Dugsiyada qaarkood waxay bixiyaan xannaano u gaar ah wakhtiga qadada.Laakiin taasi maaha xeerka.

Degmooyin badan ayaa sidoo kale jira duhurkii Miis qado, halkaasoo caruurtu wax ka cuni karaan. Weydii dugsiga barbaarinta Kindergartenka ama Iskuulada wixii ku saabsan daryeelka ilmaha ee degmada.

Kharashka daryeelka wuxuu ku xidhan yahay dakhliga soo gala waalidka waana in waalidku bixiyo.

Halkee lagu xanaaneeyaa ilmahayga inta lagu jiro fasaxa dugsiga?

Walidiinta shaqeya badanaa ma awoodaan inay qaataan fasaxoda inta lagu jiro dhaman todobadyada fasaxa dugsiga. xanaanada iyo caruurta dugsiyada ayaa degmooyin kala duwan fursadaha daryeelka ka jiraan, kuwaaso qayb dugsigu bixiyo. Weydii dugsiga ama xarunta xananada waxyaabaha fursadaha jira.

Qoysasku sidoo kale si gaar ah ayay isugu sameyn karaan in midba midka kale caruurtiisa u ilaalin karo.

Ilmahaygu wuu bukaa, waana inaan aadaa shaqada - waa maxay xuquuqdayda?

Hadii ilmuhu buko, hal waalid ayaa guriga joogi kara ilaa sadex maalmood, si uu u daryeelo. Xeerkani wuxuu khuseeyaa xaalad kasta oo Jirro ah. Waa inay u gudbiyaan loo-shaqeeyahooda cadeynta caafimad ee dhaqtarka.

Waalid ahaan, si kastaba ha ahaatee, waa inaad ku dadaasho sidii aad u heli lahayd xal kale oo ku haboon (tusaale ahaan in qaraabada ama saaxiibada ay daryeelaan ilmaha).

Yaa xaq u leh fasaxa umusha iyo kaalmada hooyada?

Waxaa xaq u leh kaalmada hooyada, haweenka shaqeeyaan wakhtiga uu ilmahoodu dhalanayo. Shuruuda tan ayaa ah in ay caymis ku jireen sagaalkii bilood ee ka hor dhalashada ilmaha iyo mudadaas ugu yaraan shan bilood ay ka shaqeeynaayeen. Xaq u yeelashadu waxay bilaabataa maalinta dhalashada waxayna dhamanaysa 14 todobaad ka dib ugu dambayn. Waqtigaan, ilaa 80% mushaharka ayaa la bixiyaa, laakiin ugu badnaan 196 CHF maalintii.

Hadii hooyada ay shaqeyso, waxay ka dalban kartaa lacagta kaalmada hooyada iyadoo loo marayo loo shaqeeyaha, qasnada magdhowga AHV ee ka masuulka ah. Macluumaad dheeraad ah ayaad ka heli kartaa boga Internetka Hay'ada Caymiska Bulshada ee Graubünden.

Maxaa iska khuseeya fasaxa aabanimada iyo magdhowga aabanimada?

Aabayaasha shaqeeya waxay xaq u leeyihiin lixda bilood ee ugu horeeya ka dib dhalashada ilmaha laba todobaad oo fasaxa aabanimada ah (ugu badnaan 14 lacag maalinle ah). Magdhow ahaan khasaaraha dakhliga, waxay helayaan 80% celceliska dakhliga la helay ee AHV kahor dhalmada, laakiin ugu badnaan 196 CHF maalintii.

Hadii aabahu shaqeeyo waxuu ka dalban karaa lacagta kaalmada hooyada iyadoo loo marayo loo shaqeeyaha, qasnada magdhowga AHV ee ka masuulka ah. Macluumaad dheeraad ah ayaad ka heli kartaa boga Internetka Hay'ada Caymiska Bulshada ee Graubünden.

Yaa qaata gunnada qoyska?

Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin gunnada qoyska. Caruurta intey da'dooda buuxinaayaan16 jir, gunnada caruurtu bishii waa CHF 220 Dhalinyarada ku jirta tababarka waxbarasho waxey u dhigantaa ilaa da'da 25 sano ay buuxinaayaan. gunnada tababarku waxbarasho waa CHF 270. Bishiiba. Sida caadiga ah, shaqabixiyuhu wuxuu ku wareejinayaa gunnada qoyska asagoo la socdo mushaharka. Xaaladaha qaarkood, waalidiinta aan shaqayn waxay sidoo kale heli karaan gunnada caruurta.