Navigation

Inhaltsbereich

Muhiim makuu tahay inaad dhaqaale ahaan madax banaanaato oo aad ku noolaato nolol aayo ka tashi leh? Taasi waxaa saldhig u ah guusha isdhexgalka ee shaqooyinka halkaan. Dariiqa ugu haboon ee loo maro shaqada la rabo way ka duwan yihiin qaxooti ilaa qaxoontiga kale. Waxaa laga yaaba in aad dalkaagii hooyo horey uga soo qaadatay Xirfad shaqo waxbarasho oo aad rabto in aad halkan shaqo ka hesho. Waxaase laga yaabaa inaysan ilaa hada kuu suuro gelin inaad waxbarasho iyo shaqo hesho oo aad dooneysid inaad ka faa'iidaysato fursadaha cusub ee halkan.

Shaqaalaha Waaxda isdhexgalka ayaa kula socon doona oo kugu caawini doona wadadaada isdhexgalka shakhsi ahaaneed. Waxan ku dadaaleynaa inaan kuu furno fursado iyo aragtiyo si aad ugu dhowaan karto yoolkaaga xirfadeed talaabo talaabo oo aad booskaaga shaqooyin halkan uga hesho