Navigation

Inhaltsbereich

Intee in le'eg ayuu qaadanayaa dugsiga khasabka ah ee Graubünden iyo halka aad ka heli karto macluumaadka nidaamka waxbarashada Iswiska – waxaad ka ogaan kartaa halkan.

 

Sidee buu dugsiga Graubünden u qaabaysan yahay?

Iswiiska, nidaamyada dugsiyadu way ku kala duwan yihiin Gobol ilaa Gobol. Gobolka Graubünden, dugsigu waa waajib inta u dhaxaysa da'da 7 ilaa 16 (dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga Sare) wuxuuna socdaa wadar ahaan sagaal sano.

Caruurta badankoodu waxay dhigtaan Xanaanada laba sano ka hor intaysan bilaabin dugsiga. Dugsiga Xanaanada ka dib wuxuu yimaadaa dugsiga hoose (lix sano), ka dibna dugsiga Sare (sadex sano). Heerarka dugsiga sare waxaa jira noocyo kala duwan oo dugsiyeed oo leh heerar adag ama heer hoose. Graubünden waxaa ku yaal Realschule (shuruudaha guud), Sekundarschule (shuruudaha la dheereeyey) iyo sida gymnasium hoose ama tusaale ahaa. Gymnasium. Dugsiyada furan waxaa loo yaqaan dugsiyada dadweynaha waana lacag la'aan. Waalidiintuse waxay xor u yihiin inay caruurtooda u doortaan dugsiyo gaar u ah. Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa lacag. Gobolka Graubünden mas'uuliyada waxbarashada waajibka ah waxaa iska leh Xafiiska Dugsiyada dadeynaha iyo isboortiga. Degmooyinka ayaa qabanqaabiya hawlaha dugsiyada.

Halkeen ka heli karaa dulmar guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada Iswiis?

Boga internetka ee berufsberatung.ch waxaad ka heli kartaa dulmar guud oo ku saabsan shahaadooyinka iyo dariiqooyinka waxbarasho ee ugu muhiimsan Iswiiska.

Halkeen ka heli karaa macluumaad guud oo dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada iyo tababarka xirfadaha ee luqado kala duwan?

Boga internetka ee berufsberatung.ch waxa uu bixiyaa waraaqo badan oo kala duwan oo ku saabsan su'aalaha muhiimka ah ee dugsiga iyo tababarka xirfadaha. Kuwaas waxaa lagu heli karaa 13 luqadood.