Navigation

Inhaltsbereich

Luqada qoyska waa luqada ay waalidku kula hadlaan ilmahooda. Caruurta ku hadasha afka qalaad in walba oo kasii wanaagsan ooy ku hadlaan luqadooda qoyska (afka koowaad), way u fududahay inay hadhow bartaan luuqada deegaanka. Sidaa darteed: waqti qaado si aad luuqadaada ula hadasho ilmahaaga.

La hadal gabadhaada iyo wiilkaaga inta aad qabanayso hawlaha guriga. Dhageyso oo u jawaab markay kula hadlaan. Dibada la aad – goobta cayaarta, keynta, harada agteeda. Kala hadal ayaga waxyaalo ku saabsan, waxa la arki karo, sidaas ku caawi, fidinta ereyadooda. La fiirso buugaagta sawirada leh oo u sheekee.

Goobta ciyaarta ama Xanaanada caruurta, ilmahaagu wuxuu haystaa fursad uu kula joogo caruurta xaafada. Ku faraxsanoow erayada, ay ku soo baranaayaan luqada cusub. Taasi waxay siinaysaa geesinimo si ay u bartaan erayo kale.

Ilmahaygu wuxuu ku koraayaa laba ama in ka badan oo luuqadood. Halkeen ka heli karaa talooyin, sidaan u caawin karaa?

Buug -yarahan "Ila hadal oo i dhegayso!" waxaad ka heli doontaa talooyin iyo warbixin, sida waalidku uga caawin karaan ilmahooda barashada ku hadalka afkooda hooyo. Waxaad kaloo ogaan doontaa sababta barashada luuqada deegaanka ay muhiim ugu tahay ilmaha, tusaale. inay saaxiibo helaan, inay halkaas wanaag ku dareemaan iyo inay bilow fiican ku haystaan xanaanada iyo Iskuulka.

Luuqadu waa hab isgaarsiineyd Caruurta yaryar ayaa tijaabiya oo barta is dhaafsi maalmeedka dadka kale.Sida wax lasoo iibinta hooyada, Bas la raacida aabaha ama Xanaanada saaxiibadiisa. Sida waalidiinta iyo daryeelayaasha ay u siin karaan jawi waxbarasho oo wanaagsan oo loogu talagalay xirfadaha luqada ayaa lagu soo bandhigey 25 filim oo gaagaaban oo ay leedahay Agaasinka Waxbarashada Zurich. Kuwani waxaa lagu heli karaa 13 luqadood.

Miyaan u diraa ilmahayga Xanaanada caruurta?

Xanaanada Cayaarta, ayaa caruurta lagu horumariyaa waxaana loo sii diyaariyaa xannaanada. Waxay bartaan inay la joogaan caruurta kale, inay ciyaaraan, wax la qaybsadaan, inay is ilaaliyaan, inay murmaan ka dibna inay hishiiyaan. Sidoo kale waxay fursad fiican u tahay ilmahaagu inuu si fiican u barto luuqada deegaanka.

Kasoo ogoow goobta degmadaada wax ku saabsan Xanaanada cayaarta dalabyadooda. Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa Waaxda Isdhexgalka Nagala soo xiriir telefoonka 081 257 26 38 oder E-Mail info@integration.gr.ch.