Navigation

Inhaltsbereich

Waxa inaad ogaato wanaagsan

Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeri ah oo waxtar leh oo ku saabsan arimo kala duwan

Goobaha dugsiyada qaarkood ee gobolka ayaa lagu bixiyaa koorsooyin kala duwan Heimatlicher Sprache und Kultur (HSK) (luqada wadankaaga iyo dhaqankaaga). Kafaala qaadka waxaa leh Qunsuliyada, Safaaradaha ama Jaaliyadaha. Badanaana casharada waxaa la dhigaa galbaha ay fasaxa yihiin, dugsiga fasalka ka dib ama subaxa Sabtida. Wax badan ka ogow waxyaabo ku saabsan dalabyada laga heli karo macallinka ilmahaaga. Wax kusaabsan dalabyada jira. Waxaad kaloo ka heli kartaa guud ahaan boga internetka ee Xafiiska Dugsiyada Hoose.

Waa maxay xirfadaha luqada ee looga baahan yahay ogolaanshaha sharciga adag in la isa siiyo?

Bixinta ogolaanshaha sharciga B ee gudiga komishanka ee Amts für Migration und Zivilrecht (Xafiiska Socdaalka iyo Sharciga Madaniga). Labada dhinac isdhexgalka iyo xaaladaha nololeed oo dhan waa la tixgeliyaa. Dhanka luqada isdhexgalka, ayaa xirfadaha luqada looga baahan yahay si ay ula qabsadaan nolol maalmeedka. Kuwani waa in loo cadeeyo sida soo socota:

  • mid leh shahaadada luqada la aqoonsan yahay ee heerka A2 (Telc, ÖSD, Fide, Machadka Goethe, iwm.)
  • oo wata shahaado uu cadeeyay iskuul luqadeed oo la aqoonsan yahay uuna ka qayb qaatey 280 casharo Jarmal ah oo ugu yaraan 80% ka qayb galey iyo ku hadalka xirfadaha luqada heerka A2

Xaaladaha aan caadiga ahayn, dadka aan u baran waxbarashada iyo iskuulka ee aan haysan shahaadada koorsada luqada waxay soo gudbin karaan codsi sababeysan oo Cadaynaya aqoontooda luqada Afka kuhadalka ee heerka A2

Dadka naafada ah ee caafimaad ahaan dhaqaatiirtu soo xaqiijiyeen (hadalka iyo / ama maqalka daciif ka ah, walwal maskaxeed ama jir ahaaneed daran uu cusleeyey), ayaa shuruudaha isgaarsiinta maalinlaha ah si gooni ah loo hubiyaa.

Sidoo kale xaashida macluumaadka ee soo gudbinta arjiga waxaa laga heli karaa bogga Internetka Amts für Migration und Zivilrecht (Xafiiska Socdaalka iyo Sharciga Madaniga

Waxaan rabaa inaan soo gudbisto dalabka midaynta qoyska dalalka sadexaad. Shuruudahee luqadeed ayay tahay in xaaskeyga / seygeyga / ilmaheyga oo aan weli gaarin iskuulka (ka yar 18 sano) ay buuxiyaan?

Si aad u soo gudbiso arjiga, waxaad u baahan tahay midkood cadaynta aqoonta luqada ee heerka A1 (Afka kuhadalka) ama cadeynta isdiiwaangelinta koorsada luqada, Xaaladaha isdiiwaangelinta koorsada luqadu waxay suurtogal tahay oo keliya gelitaanka koorsada luqadda, dhameystirka koorsada luuqadeed kadib, waa la saxiixi karaa oo la gudbin karaa.